Booliiska oo toogtay 3 qof oo ku eedeysan dhaca taleefoonnada

0
475

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa saaka waddada Lusaka ku toogtay saddex qof oo dadweynaha ka dhacayay taleefoonnada gacanta iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.
Falalkan oo ay ka gaysanayeen aagga Industrial area ayay ku bartilmaameedsanayeen shakhsiyaadka ku wajahan goobahooda shaqo.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Makadara ,Judy Kola ayaa sheegtay in eedeysanayaasha oo adeegsanaya mooto ay dhibaatooyin badan gaysteen taasi oo keentay in saraakiisha ammaanka ay ka falceliyaan.
Waxaa howlgalka lagu toogtay burcadda lagu soo helay bastoolad iyo xirmooyin dhowr oo rasaas ah.
Taliyaha ayaa sheegtay in tuhmanayaasha ay Isniintii muwaadin u dhashay India ay ka dhaceen lacag caddaan oo dhan 12,000 oo shilin iyo silsilad dahab ah ka hor inta aynan u baxsan dhanka xaafadda isku raranta ah ee Mukuru .
Ciidamada booliiska ayaa meydadka saddex qof ee la toogtay geeyay goobta meydadka la dhigo ee City Mortuary ee magaalada Nairobi.