Guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga ee gobolka Bartamaha dalka Ann Waiguru ayaa ka soo horjeesatay hadal uu maalmo ka hor yiri madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua kaasi oo ahaa in miisaaniyadda deegaannada lagu saleeyo tirada codbixiyeyaasha.
Waxay hoosta ka xarriiqday in golaha ay hoggaamiso ee barasaabyada ismaamullada ee CoG uu gudbiyay qaabka uu doonaya in loo qaybsado miisaaniyadda qaran.
Waiguru ayaa dhanka kale ka digtay siyaasadda heer gobol ku saleysan si aan wadanka loo kala qaybin.
Waxay sheegtay in golaha CoG uu u ololeynaya sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha ay dowladda dhexe siiso ismaamullada.