Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa safar ku tagay caasimadda wadanka Rwanda ee Kigali.
Madaxtooyada State House ayaa laga soo xigtay in William Ruto uu halkaasi uga qayb geli doono shirka sanadlaha ah ee madasha madaxda fulinta ee qaaradda Afrika.
Waxaa uu sidoo kale kulamo heer sare ah la yeelan doonaa maalgashatada iyo madaxweynayaal kale.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa la filayaa inuu dhanka kale wareysi siiyo wargeyska arrimaha dhaqaalaha ee Financial Times ee laga leeyahay boqortooyada Ingiriiska.