Waxaa gudaha dalka Pakistan 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay cudurka COVID19 ugu dhintay ugu yaraan 201 qof.
Tiradan ayaa lagu sheegay dhimashadii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed wadankaas laga diiwaangeliyo tan iyo sanadkii hore.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maamullada caafimaadka ee Pakistan ay ka baaran degayaan in la soo rogo xayiraado cusub oo dhanka isku socodka ah.
Dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka ee Pakistan ayaa hadda ah 17,530.
Sidoo kale waxaa wadankaas laga xaqiijiyay 5,292 oo ah xaaladaha cusub ee cudur sidaha tani oo kiisaska guud ka dhigaysa 88,207.