Madaxweynaha Nigeria oo ku baaqay in taliska Mareykanka ee Afrika loo soo wareejiyo qaaradda

0
563

Madaxweynaha dalka Nigeria Muxamaddu Buhari ayaa Mareykanka ugu baaqay in taliska militari ee u qaabilsan qaaradda Afrika ee (AFRICOM) laga soo wareejiyo Jarmalka lana keeno qaarada gudaheeda.
Arrintan ayuu u sababeeyay baahida loo qabo xoojinta xaaladaha amni ee qaaradda Afrika.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Nigeria ayaa lagu sheegay in Buhari uu arrintan soo jeediyay xilli uu kulan kula lahaa qaabka fogaal aragga xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in madaxweynaha uu qeybo ka mid ah qaarada ku tilmaamay kuwo amnigoodu hooseeyo isla markaana loo baahan yahay in (AFRICOM) laga soo raro magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.
Sida lagu qoray bayaanka, Blinken wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka dhigo Nigeria qayb ka mid ah “booqashadiisii ugu horreysay ee dhanka fogaal araga ah ee uu ku tago qaaradda Afrika,” isagoo xusay in Nigeria iyo Mareykanka ay wax badan wadaagaan .
Waxaa uu intaa ku daray in Maraykanka iyo Nigeria ay iska kaashan doonaan dib u soo nooleynya dhaqaale marka laga gudbo cudurka COVID19 ,sidoo kale badbaadinta bulshooyinka nugul iyo cimillada.