Mucaaradka Azimio oo ku goodiyay mudaaharaad ka dhan ah hindise sharciyeedka maaliyadda

0
400

Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in haddii uu baarlamaanka ansixiyo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 ay sameyn doonaan dibadbaxyo.
Waxaa uu xubnaha baarlamaanka ee ka tirsan garabka mucaaradka ku boorriyay in ay qorshahan gaashaanka u daruuraan marka loo soo bandhigo golaha qaran ee xeer dejinta.
Kalonzo ayaa sheegay in hindise maaliyadeedka uu culeysyo dhaqaale oo dheeraad ah saaraya kenyaanka marka la eego soo jeedinnada canshuurta ee ku xusan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto uu sheegay in maamulkiisa uu doonaya in qiimaha canshuurta ee hadda ah boqolkiiba 14 in la gaarsiiyo boqolkiiba 22 ka hor inta uunan dhammaan muddo xileedkiisa.
Dhanka kale Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in ay ahayd in xilka laga qaado wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Mithika Linturi ka dib fadeexadii bacriminta ee soo baxday.