Aqalka sare oo galinka dambe ee maanta yeelanaya kulan ku saabsan BBI

0
650

Guddoomiyaha aqalka sare Ken Lusaka ayaa dib u dhigay dood lagu waday in senetarrada ay yeeshaan 10-kii barqanimo ee maanta.
Kulanka ayaa billaaban doono 2:30 galabnimo ee maanta .
Mr. Lusaka ayaa go’aankan ku dhawaaqay ka dib markii xubnaha aqalka sare ay codsadeen in la siiyo wakhti dheeraad ah oo ay ku akhrin karaan dokumeentiga si ay isugu diyaariyaan doodda ay maanta ka yeelanayaan hindise sharciyeedka BBI.
Senatarrada codsigan gudbiyay waxaa ka mid ah Moses Wetangula oo laga soo doortay Bungoma iyo dhigiisa Siaya James Orengo.
Sidoo kale waxaa la soo bandhigi doonaa warbixin uu soo saaray guddiga isku-dhafka ah ee arrimaha sharciga iyo cadaaladda.
Guddigan ayaa warbixintiisa ku gabagabeeyay baaq uu u jeedinayo senatarrada oo ah in ay ansaxiyaan qorshaha BBI ee laga meel mariyay in badan oo ka mid ah golayaasha ismaamullada dalka.
Waxaa sidoo kale warbixin BBI ka doodaya golaha qaran ee xeer dejinta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in siyaasiyiinta ay ku kala qaybsan yihiin in dokumeentiga BBI dib loo saxo iyo in sida uu yahay hindise sharciyeedka lagu ansaxiyo maadaama ay soo baxeen warar sheegaya inay jiraan khaladaad dhanka qoraalka ah.
Xubnaha xisbiga ODM ayaa ku adkeysanaya in aan la sameyn dib u eegis dheeraad ah oo baarlamaanka uu si aqlabiyad leh u meel mariyo qorshahan.