Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ee labadii Maalin ee la soo dhaafay ka barakacay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho wuxuu ugu baaqay inay Guryahooda dib ugu soo laabtaan
Qaraal lagu daabacay Ra’iisul wasaaraha boggiisa Facebook-ga ayaa ugu baaqay dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahaan ka jiray Magaalada Muqdisho inay guryahooda ku soo laabtaan.
Ciidammada Amaanka ayuu sidoo akle Ra’iisul wasaaruhu faray inay shacabka u fududeeyaan sidii ay markale guryahooda iyo ganacsiyadooda ugu soo noqon lahaayeen.
Ugu dambayntii wuxuu hoosta ka riiqay inay Xukuumadda ka go’antahay inay shacabka Soomaaliyeed helaan nabad iyo xasillooni Buuxda oo ay noloshooda si caadi ah u wataan.
Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa siyaasiinta ugu baaqay inay danta dalka ka shaqeeyaan sidoo kale ay xaaladda hada degan soo dhawaynayaan
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Shacabkii maalmihii la soo dhaafay ka barakacay Muqdisho oo loogu baaqay inay...