Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa maanta soo saartay digniin ku saabsan daadad ay suuragal tahay in ay ku dhuftaan ismaamullada Wajeer, Mandera iyo Marsabit.
Dadka deggan ismaamulladan ayay waaxdu ku boorrisay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.
Waxaa tani loo aaneeyay roobab lixaad leh oo da’aya.
Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa sheegtay in saameynta fatahaadaha la dareemi karo laga billaabo maanta ilaa Axadda si gaar ah meelaha ay roobab culus ka da’een.
Waxaa digniinta qayb ka ah in deegaannada xiga dhanka buuralayda wadanka Itoobiya ay 24 saac gudahood ka da’i karaan roobab heerkoodu yahay in ka badan 50 miliilitar.
Sidoo kale suuragalnimada la xiriirta daadadka la saadaaliyay ee digniinta laga soo saaray ayaa u dhexeysa boqolkiiba 33 ilaa 66.