Warbaahinta dalka oo lagu boorriyay tabinta arrimaha deegaanka

0
347

Madaxa fulinta ee golaha warbaahinta dalka ee MCK ,David Omwoyo ayaa sheegay in saxaafadda laga doonayo in ay door muhiim ah ka qaadato arrimaha deegaanka.
Waxaa uu xusay in la joogo xilligii ay warbaahintu diiradda saari lahayd tabinta iyo u ololeynta ilaalinta deegaanka.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo maanta guud ahaan caalamka looga dabbaal degaya maalinta xurriyadda saxaafadda oo sanad waliba la qabto 3-da bisha Shanaad ee May.
Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa maalintan u asteeyay in sare loo qaado wacyigelinta la xiriirta muhiimadda warbaahinta iyo xaqiijinta madax bannaanideeda.
Bulshada caalamka ayaa maanta oo kale lagu baraarujiyaa in aynan caqabad ku noqon xaqa uu qofka u leeyahay inuu dareenkiisa cabbiro sida ku qeexan farqada 19-aad ee qaraarka guud ee xuquuqul aadanaha ee sanadkii 1948-dii.