Barasaabka ismaamulka Isiolo oo wax laga weydiiyay 111 milyan oo loogu tala galay cudurka Covid-19

0
386

Ismaamullada Isiolo iyo Wajeer ayaa waxaa daba gal ku hayaa guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan arrimaha caafimaadka.
Baaritaannadan ayaa la doonayaa in lagu ogaado qaabka loo isticmaalay malaayin shilin oo loogu tala galay la dagaalanka cudurka Covid-19.
Waxaa lagu eedeeyay inay qorsho la’aan isticmaaleen lacagahaasi.
Barasaabka ismaamulka Isiolo Maxamed Kuti ayaa Isniintii hor tagay guddiga caafimaadka ee Senate-ka si uu uga jawaabo su’aalaha oo uu soo diyaariyay xafiiska hanti dhowraha guud.
Balse dhigiisa Wajeer Maxamed Cabdi Ayaan ka soo hor muuqan fadhiga.
Senetarada ayaa doonayay inay ogaadaan qaabka loo isticmaalay lacag dhan 111 milyan oo shilinka dalka ah.
Maxamed Kuti ayaa iska fogeeyay eedeymaha ah in qaab aan habooneyn loo adeegsaday lacagahan.
Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee aqalka Senetka Michael Mbito ayaa dib u dhigay dhageysiga eedeymahan si wakhti loo siiyo dowladda ismaamulkaasi Isiolo oo ay u soo diyaariso qaabkii loo maareeyay lacagaha isticmaalkoodu su’aal la geliyay.