Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo turxaan bixin doona shakhsiyaadka doonaya inay buuxiyaan xilal dhowr ah oo ka bannaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Mr. Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in la shaqaaleysiiyo xubno beddelo 4 ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee IEBC oo xafiiska baneeyay sanadkii 2018-kii.
14-kii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu ku dhawaaqay in ay bannaan yihiin qaar ka mid ah xilalka saraakiisha sar sare ee guddiga IEBC.
Guddiga uu madaxweynaha dalka soo magacaabay ayaa kala ah Dr. Elizabeth Muli, Gideon Solonka, Elizabeth Meyo, Dorothy Kimengech, Rev. Joseph Ngumbi iyo Dr. Faradim Cabdalla.
Waxaa lagu wadaa in guddigan uu toddobo maalmood gudahood in ay ku qabtaan warqadaha codsiyada shaqo ee shakhsiyaadka u tartamayaan xilalka bannaan .
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo soo magacaabay guddi turxaan bixinaya saraakiil buuxinaya jagooyin ka...