Qareenka matalaya barasaabka ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud oo lagu magacaabo Ndegwa Njiru iyo Mwangi Ndegwa oo u doodaya shacabka dhalasho ahaan ka soo jeedo Wajeer ee ku nool ismaamulka Meru ayaan maanta ku guulaysan in ay xarunta golaha hoose ee Wajeer geeyaan amar shalay ka soo baxay maxkamadda.
Amarka ayaa ahaa mid wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaas looga hor istaagay in ay ka doodaan mooshin la doonayo in xilka looga qaado barasaabka.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Mucaawiyo ayaa daqiiqado ka hor Khadka taleefoonka ugu warramay Mowlid Maxamad Shuuriye
Shalay ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka laamaheeda Nairobi, Garissa iyo Meru ay soo saareen amar ka dhan ah qorshaha wakiillada.
Barasaabka ismaamulkaas Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa dhankiisa galinkii dambe ee shalay xubnaha laga soo doortay deegaannada hoose uga digay in ay dafiraan amarka maxkamadda isagoo sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cidii aan u hoggaansamin.
Waxaa uu wakiillada ku eedeyay in ay fulinayaan danaha siyaasiyiin adeegsanaya sida uu hadalka u dhigay
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu iska difaaco eedeymaha loo soo jeediyay in kasta oo uunan diidanayn in wada-hadal uu la yeesho wakiillada golaha hoose ee Wajeer.
Wakiillada oo dhankooda sheegay in ay u taagan yihiin rabitaanka shacabka oo aynan jirin cid kale oo ay danteeda fulinayaan ayaa wacad ku maray in ay maanta ka doodi doonaan mooshinka xilka looga xayuubinaya Maxamad Cabdi oo ay ku eedeynayaan maamul xumo.
Qareenka barasaabka Ndegwa Njiru ayaa dhankiisa wacad ku maray in hadii qorshahan lagu tallaabo qaado uu Khamiista maxkamadda geynaya dacwad la xiriirta dafiraadda go’aankii shalay soo baxay si loola xisaabtamo cid kasta oo aan u hoggaansamin ama caqabad ku noqotay in laga hor tago meel marinta mooshinka xilka qaadista ilaa iyo inta laga dhageysanaya dacwado laga gudbiyay .
Wixii ku soo kordho wararka dambe ayaad ku dhageysan doontaan.