Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu ka walaacasanyahay xaaladda Soomaaliya, ka dib iska hor imaadyadii Maalinkii Axaddii ka dhacay magaalada Muqdisho.
War-murtiyeed ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha Guud ee Jimciiyada Qaruumaha ka dhexaysa Stephane Dujarric ayaa qornaa sidan ayaa lagu yiri, Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.
Xoghayaha guud ayaa waxa uu ku booriyay dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib ugu bilaabaan wadaxaajoodka isla markaana ay abuuraan heshiis ku saleysan qaabkii doorashada ee 17kii Sebtember soo jeedintii Baydhabo.