Taliyaha guud ee ciidamada KDF oo booqday Mai Mahiu

0
130

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta General Charles Kahariri ayaa booqasho ku tagay xarunta ka soo kabashada musiibadii ka dhacday Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu halkaasi u tagay inuu soo indha-indheeyo dadaallada ay iska kaashanayaan waaxyaha kala duwan ee looga falcelinaya saameynta daadadka.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay John Nkoimo oo ah taliyaha xarunta isku dubaridka gargaarka iyo barasaabka ismaamulka Nakuru Susan Kihika.
Taliyaha guud ee ciidanka militariga dalka ayaa lagu wargeliyay in ay socdaan howgallada weli lagu raadinaya dad dheeraad ah oo la la’yahay.
Waxaa Mai Mahiu ku barakacay in ka badan 300 oo qof halka ay dhaawacmeen 112 qof.
Tirada dadka dhintay ayaa gaartay 52 ruux.
General Charles ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada difaaca ee dalka ay gudanayaan waajibaadkooda dheeraadka ah ee ka saaran ka falcelinta xaaladaha degdegga ah sida fatahaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here