Dhakhaatiirta shaqo joojinta ku howlan oo loo qabtay ilaa berri subax

0
146

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei ayaa sheegay in dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro ay haystaan ilaa 9:30 subaxnimo ee berri oo Isniin ah.
Waxaa fursaddan dheeraadka ah loo siiyay in dowladda iyo mas’uuliyiinta ururrada dhakhaatiirta ee dalka ay wada saxiixdaan heshiis ay saraakiisha caafimaadka dib ugu laabanayaan isbitaallada ay ka howlgalayeen.
Felix Koskei ayaa amarkan bixiyay ka dib markii ururrada dhakhaatiirta ee ay hoggaaminaysa KMPDU ay diideen in ay saxiixaan heshiis loo soo bandhigay.
Waxaa uu xusay in mas’uuliyiinta ay miiska wada hadalka la yimaadeen arrimo cusub oo aan qayb ka ahayn go’aankii maxkamadda.
Koskei ayaa warbaahinta u sheegay in hoggaamiyaasha dhakhaatiirta ay ku adkeysteen in ay heshiiska qalinka ku duugi doonaan Isniinta marka la tixgeliyo dalabaadkooda cusub.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka ahna madaxa shaqaalaha ee aqalka madaxtooyada ee State House, Felix Koskei ayaa tilmaamay in wasaaradda caafimaadka ee dalka iyo golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG ay heshiiska wada saxiixdeen oo ayna qareennadooda fareen in ay arrintan maxkamadda u gudbiyaan 6-da bishan oo berri ah sidii horay lagu amray.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in la gaaro xal waara oo lagu soo afjaraya shaqo joojinta ay dhakhatiirta dalka ku guda jiraan tan iyo bartamihii bishii Saddexaad ee sanadkan.
Waxay ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ugu baaqday inuu meesha ka saaro shaqo joojinta.
Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr. Davji Atellah ayaa dhankiisa bayaan ku sheegay in dowladdu ay diiday in ay kala xaajooto arrimo ay weli tabanayaan.
Waxaa uu ku doodaya in la isku dayay in lagu qasbo in ay saxiixaan heshiiska dib ugu laabashada shaqada oo uu ku tilmaamay mid hal dhinac ah oo aan dhameystirnayn.
Xoghayaha ayaa sheegay in KMPDU aan marnaba lagu qasbi doonin in ay qalinka ku duugto dokumeenti baalmarsan heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee sanadkii 2017-kii.
Waxaa uu tilmaamay in dhakhaatiirta aan la cabsi gelin karin.
Waxaa uu xusay in shaqo joojinta hadda jirta ay ahayd mid laga hor tagi karay haddii sida uu qoraalka u dhigay aynan ahayn karti la’aanta hoggaanka wasaaradda caafimaadka.
Sidoo kale waxaa uu bayaanka ku xusay in ismaamullada ay fududeysteen tabashooyinka dhakhaatiirta .
Xoghayaha Guud ee ururka KMPDU ayaa sheegay in ay muddo 7 sano ah sugayeen in la dhaqangeliyo heshiiskii ay dowladda la gaareen.
Waxaa uu tilmaamay in muddadan gudaheeda ay qayb ka ahaayeen wada tashiyo badan iyo geeddisocod maxkamadeed oo natiijooyinkooda aan la tixgelin ama lagu tallaaba qaadin.
Dr. Davji ayaa laga soo xigtay in ay isku diyaarinayaan in ay berri maxkamadda tagaan si ay dhankooda u bandhigaan isagoo ku adkeystay in xaaladda cakiran aan laga gudbi doonin ilaa iyo inta ay dowladdu si buuxda uga dhaqangelinaysa tabashooyinka saraakiisha caafimaadka.
Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha caafimaadka ee golaha CoG Muthomi Njuki ayaa dhankiisa sheegay in haddii saraakiisha caafimaadka aynan sameyn sida laga doonaya in ay hoggaamiyaasha dowlad deegaannada danta ku qasbi doonto in ay shaqada ka eryaan saraakiisha caafimaadka ee shaqo joojinta ku howlan si kuwo kale loogu beddelo.
Waxaa uu Njuki carrabka ku adkeeyay in wixii hadda ka dambeeya aan loo sii dulqaadan karin dhibaatooyinka ay wajahayaan kenyaanka daryeel caafimaad u raadsanaya isbitaallada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here