Ururka golayaasha ismaamullada dalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wakiillada dowlad deegaannada kala duwan ee Kenya ay ka doodeen sidoo kalena ansaxiyeen nuqullada BBI oo is-khilaafsan.
Shir jaraaid oo ay qabteen ayay ka sheegeen in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu u gudbiyay nuqullada hal dokumeenti oo ku aaddan qorshaha sharci beddelka.
Mas’uuliyiinta ururkan ayaa shacabka ugu baaqay in ay iska dhaga tiraan wararka sheegaya in wakiillada aynan hal arrin ah ka wada doodin.
Waxay carrabka ku dhufteen in wararkan ay yihiin kuwo la doonayo in jahawareer siyaasadeed lagu abuuro.
Sidoo kale waxay soo jeediyeen in hadii ay soo baxdo in wakiillada ismaamullada qaar ay ka doodeen dokumeentiga BBI oo ay khaladaad dhanka qoraalka ah ku jireen ay lagama maarmaan tahay in taasi uu saxo baarlamaanka ama xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii la isla dhex maray warar sheegaya in 34 ka mid ah golayaasha 47-da dowlad deegaan loo gudbiyay dokumeentiyo khaldan.
Waxaa sidoo kale arrinkan horay u beeniyay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC Mr. Wafula Chebukati.
Arrimahan ayaa ku soo aadaya iyada oo lagu wado in maalmaha Arbacada iyo Khamiista ee isbuucan baarlamaanka dalka uu ka doodo hindise sharciyeedka BBI ee looga gol-leeyahay in lagu beddelo qodobbo ka mid ah dastuurka wadanka lagu maamulo.
Home Wararka Kenya Wakiillada ismaamullada dalka oo beeniyay in ay ansaxiyeen nuqullo kala duwan oo...