Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday xayiraad buuxda oo dhanka isku socodka ah taasoo lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19.
Amarkan ayaa ah mid qaran waxaa uuna dhaqan galayaa galinka dambe ee maalinka Khamiista .
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in xayiraaddan ay shaqeyn doonto ilaa 17-ka bisha Shanaad ee sanadkan.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa gudaha wadankaasi laga xaqiijiyay xaaladaha cudurka COVID19 oo gaaraya 37,312 iyo 353 oo dhimasho hor leh ah.