Waxaa xilkii uu hayay iska casilay Kyle McCarter oo ahaa danjirihii Maraykanka ku matalayay dalkani Kenya.
Mas’uulkan ayaa xafiiska baneeyay maadaama 20-ka bishan lagu wado inuu talada Maraykanka wareejiyo Donald Trump .
Mr. Kyle ayaa sheegay in dowladda Kenya laga doonayo inaynan ku tiirsanaan deeqaha iyo deymaha shisheeye balse ay noqoto mid dhaqaale ahaan ay ka faa’iidaystaan wadamada gobolka.
2-dii bishii koowaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii Kyle McCarter uu xilka uu hadda iska casilay kala wareegay Robert Frank Godec.