Taliyaha qeybta 27aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Axmed (Tareedisho) ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen guutada 3aad ururka 19aad ee Ciidanka xoogga Soomaaliya lagu bur buriyay goobo ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.
Jeneraal Maxamed Axmed Tareedishe oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in howlgalka laga fuliyay degaanno hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, isla markaana ay dileen Saraakiil iyo Xubmo ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay in la joogteyn doono howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa inta laga saarayo degaannada ay Maamulaan.
Howlgalkaan laga sameeyay degaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada ay howlgal ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Jowhar, halkaasoo la filayo inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay burburiyeen goobo Shabaabku qaraxyada ku diyaarin jireen