Nairobi: 2 qof oo dhintay ka dib markii diyaarado hawada sare marayay ay isku dhaceen

0
402

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada duuliye iyo ardaygiisii ka dib markii la soo tabiyay shil diyaaradeed.
Shilkan oo dhacay saaka abaare 9.45 subaxninmo, ayaa u dhexeeyay diyaarad ay leedahay shirkadda Safari Link oo ku sii jeedday Diani oo ka tirsan ismaamulka Kwale ee gobolka Xeebta iyo diyaaradda Cessna oo bixisa howlaha tababarka ee duullimaadyada.
Diyaaradda ay labada qof ku dhinteen ayaa ku dhacday seeraha qaran ee duurjoogta ee Nairobi National Park.
Shirkadda diyaaradaha ee Safari Link oo xaqiijisay shilkan, ayaa sheegtay in dhammaan 44 rakaab ahaa iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradeeda aysan waxyeello soo gaarin.
Labada diyaaradood ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi.
Maamulka duullimaadka rayidka ee dalka ee KCAA ayaa dhankiisa sheegay inuu billaabay baaritaanno lagu ogaanayo xaaladihii keenay inay isku dhacaan labada diyaaradood.