Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa dhakhaatiirta shaaciyay in ay 7 cishe ka dib guda geli doonaan shaqo joojin qaran ugu baaqday in ay dul qaad muujiyaan.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay xal waara u raadinayaan arrinta ay xubnaha ururka dhakhaatiirta ee KMPDU dalbanayaan oo ah in dowladdu ay howlgeliso shakhsiyaadka soo bartay culuunta caafimaadka.
Ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU, ayaa laga soo xigtay in 1,215 qof oo soo bartay culuunta caafimaadka kuwaasoo maray tijaabo shaqo in aan weli la shaqaaleysiin oo qaarkood ay wasaaradda caafimaadka ka war sugayaan muddo 6 bilood ilaa sanad ah.
Wasiiradda ayaa saraakiisha caafimaadka ku boorrisay in ay fursad siiyaan wada hadallo maadaama shaqo joojin lagu dhaqaaqo aynan waxba soo kordhinayn sida ay hadalka u dhigtay.
Dhanka kale , xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni ayaa maanta kulan la qaadatay wakiillada ururrada shaqaalaha caafimaadka.
Muthoni oo qirtay in tabashooyinka dhakhatiirta ay yihiin kuwo jira ayaa carrabka ku adkeysay in wasaaradda caafimaadka ay ka go’an tahay in arrimahan la xalliyo.