Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga faafiyay.
Guddoomiyaha IEBC ayaa sheegay in aynan sax ahayn in golayaasha ismaamullada dalka loo gudbiyay nuqullada hindise sharciyeedka BBI oo kala duwan.
Guddigan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in keliya uu wakiillada golayaasha la wadaagay dokumeentiyada ay kala wareegeen xoghaynta BBI ee ay hoggaamiyaan Junet Maxamad iyo Dennis Waweru.
Jawaabta IEBC ayaa timid ka dib markii ay soo baxday eedeyn ah in keliya 13 ka mid ah ismaamullada dalka ay heleen dokumeentiyada rasmiga ee qorshaha BBI.