DHAGEYSO:Booliska Hirshabeelle oo ka digay hubka sharci darrada ah ee magalooyinka lagu dhex qaato

0
651

Taliska Ciidanka Booliska Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa amar ka soo saaray hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato magaalada Jowhar iyo deegaannada kale ee Hoos yimaada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Hirshabeelle Con Xassan Dhicisow Xassan ayaa sheegay inaan cidna laga ogolaan doonin inay magaalada Jowhar ku dhex qaadato Hub sharci darro ah.
Waxaa uu tilmaamay in Taalabo laga qaadi doono qofkasta oo Magaalada Jowhar ku dhex qaata Hub ee aan ahayn Ciidanka Amaanka ee Sugaya amniga Magaalada