Dhimashada ka dhalatay dhulgariirkii maalmo ka hor ku dhuftay jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia ayaa gaartay ugu yaraan 56 qof.
Waxaa tirada dadka ku dhintay musiibadii dhacday Jimcihii, warbaahinta u xaqiijiyay maamulka wadankaas u qaabilsan maareynta musiibooyinka ee (BNPB).
In ka badan 820 qof ayaa ku dhaawacmay dhulgariirka oo uu cabbirkiisu ahaa 6.2 halka 15,000 kale ay ku barakaceen.