DHAGEYSO:Siyaasiyiin ka soo horjeestay dhaarintii guddoomiye ku xigeenka Nairobi

0
641

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aaden Barre Ducaale iyo barasaabka ismaamulka Turkana Josphat Nanok ayaa ka soo horjeestay tallabadii Jimcihii la soo dhaafay xilka guddoomiye ku xigeenka Nairobi loogu dhaariyay Anne Kananu Mwenda.
Waxay sheegeen in tallaabadaas la dedejiyay iyagoo dhanka kale ku doodaya in si sharci darro ah loo wajahay.
Aadan Barre ayaa su’aal geliyay barasaabka saxiixay warqaddii lagu soo magacaabay Kananu maadaama uunan hadda jirin guddoomiye hoggaamiyo caasimadda dalka.

Mr. Nanok, hoggaamiyaha Turkana ayaa dhankiisa guddoomiyaha golaha barasaabyada dalka ee CoG ahna madaxa ismaamulka Kakamega Mr. Wycliffe Oparanya ka dalbaday inuu ka hadlo khaladka dhacay

Anne Kananu ayaa saacado gudahood waxaa turxaan bixin ku sameeyay sidoo kalena ansaxiyay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi tani oo keentay in ugu dambeyn la dhaariyo.
Tallaabooyinkan is-xigxigay ayaa kala qaybiyay sharci yaqaannada dalka.
Mr Peter Wanyama oo ka mid ah garyaqaannada Kenya ayaa dhaarinta haweeneydan ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Mr. Wanyama ayaa sheegay in barasaab ku xigeen uunan xafiiska la wareegi karin iyadoo warqadda lagu soo magacaabay uunan saxiixin guddoomiyaha sida ku cad farqada 32(d) ee xeerarka dowladaha ismaamullada.
Ms. Mwenda ayaa waxaa soo magacaabay Mike Sonko oo sanadkii hore qudhiisa xilka laga qaaday.
Waxaa sidoo kale arrinkan ka soo horjeestay Mr Steve Ogolla oo isna qareen ah isagoo xusay in geeddisocodka la adeegsaday uunan waafaqsaneyn dastuurka dalka.
Mr. Ogolla ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi Benson Mutura la doonayo inuu si ku meel gaar ah u siihayo xilka barasaabka magaala madaxda wadanka ilaa iyo 18-ka bisha labaad ee sanadkan oo loo ballansan yahay doorasho ku celis ah.
Garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullahi oo dareenkiisa arrinkan ku biiriyay ayaa soo bandhigay su’aal ah in garsoorka uu u kala qaybsamay dhinacyada taageeraya heshiiskii 2018-kii dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Waxaa uu qareenka ku simaha madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu ka dalbaday inay bayaan faahfaahsan ka soo saarto dhaarintii Ms Mwenda .
Senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen oo ka mid ah qareenada dalka ayaa sidoo kale arrinkan dhaliilay.
Waxaa uu waaxda garsoorka ee dalka ku eedeyay inay garab siisay geeddisocod sharci darro ah.
Madaxa ururka qareenada dalka ee LSK, Nelson Havi ayaa dhankiisa sheegay inay maxkamadda u gudbinayaan dacwad ay kaga soo horjeedaan in Anne Kananu ay noqoto guddoomiye ku xigeenka Nairobi.