DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sharraxay siyaabaha ay dowladdu shaqo abuur ugu sameynaysa dhallinyarada

0
102

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay xallinta caqabadda shaqo la’aanta ee ay wajahayaan dhallinyarada kenyaanka ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay sanad kasta 600 oo bilyan oo shilin ku bixiso wax baridda da’yarta sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay in la dejiyo qorsho ay ku shaqeyn karaan marka ay jaamacadaha iyo machadyada ka soo qalin jabiyaan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay mashruuca guriyeynta isagoo xusay in ilaa iyo hadda ay shaqooyin ka heleen in ka badan 130,000 oo dhallinyaro ah.
Waxaa la saadaalinaya in shakhsiyaadka ka shaqeynaya dhisidda guriyaha la awoodi karo ay tiradoodu dhammaadka sanadkan gaarto 300,000 .
William Ruto ayaa sidoo kale ka hadlay xarumaha ICT-da ee laga hirgelinaya dhammaan deegaannada hoose ee wadanka oo gaaraya 1,450 iyo in da’yarta kenyaanka ah ay ka howlgalaan waddamada kale ee caalamka.