Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa gaashaanka u daruuray baaq uga yimid beesha caalamka oo ahaa in ay heshiis la gaarto ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil aynan cidna ka amar qaadan oo aan la tilmaami karin.
Tani ayaa timid ka dib wada hadal socday 40 daqiiqo oo dhex maray Netanyahu iyo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Waxaa uu intaasi ku daray inay weli sii wadi doonaan inay ku gacan seyraan soo jeedinta ah in Falastiin ay yeelato dowlad madax bannaan.