Waxaa mar kale madaxa xiriirka caalamiga ee kubadda cagta ee FIFA loo doortay Gianni Infantino.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inaynan jirin cid la tartantay.
Jagadan ayuu sii hayn doonaa muddo afar sano oo dheeraad ah.
Doorashada madaxa FIFA ayaa lagu xaqiijiyay kulan ka dhacay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali.