DHAGEYSO:Hoggaamiyayaasha gobolka Xeebta oo Raila ugu baaqay in uu 2027 u tartamo xilka madaxtinnimo

0
204

Hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee xibsiga ODM ee gobolka Xeebta ee dalka ayaa ugu baaqay madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja Raila Odinga inuu mar kale u tartamo xilka madaxtinimo ee dooorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Waxaa ay siyaasiyiintan sheegeen in Raila ay ku taageerayaan in mar kale xilka madaxtinimo isu soo sharraxo.
Siyaasiyiintan ayaa carrabka ku dhuftay in Raila uu yahay shakhsiga ugu habboon oo jagada kala wareegi karo madaxweynaha dalka William Ruto.

Raila Odinga ayaa dhankiisa sheegay in xilli hore ay tahay in arrinkan laga hadlo, islamarkaana uu yahay shakhsiga go’aanka ugu dambeeya leh.