Wasaaradda arrimaha gudaha oo bayaan ka soo saartay xeerarka ka dhan ah COVID-19

0
828

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa sheegtay in qaar ka mid ah waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee wadanka ay ka socdaan howlo dhismo sidaas awgeedna shacabka laga doonaya in ay qorsheeyaan dhaqdhaqaaqooda si ay ugu hoggaansamaan saacadda uu billowdo bandowga habeenkii.
Bayaanka waxaa qayb ka ah in dabagal iyo indha-indhayn la sameeyay lagu ogaaday in shacabka Nairobi ay keliya boqolkiiba 50 wax ka yar ilaaliyaan xeerarka lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in gudaha xaafadaha caasimadda dalka ay ka jirto u hoggaansan la’aanta amarrada dowladda ay kula tacaalayso caabuqa sida bandowga iyo isku imaatinka dadweyne.
Kenyaanka ayaa la xusuusiyay in cid kasta ay mas’uuliyad shakhsiyeed ka saaran tahay badbaadinta nafteeda iyo si guud badqabka bulshada sidaas awgeedna dhaqangelinta xeerarka jiro keliya aan looga guulaysan karin fayraska corona.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale ka hadashay saameyn dhanka gaadiidka ah oo maalmo ka hor laga soo tabiyay wadada weyn ee Thika.
Qoraalka soo baxay saacado ka hor waxaa ku cad in dib u eegis lagu sameyn doono hannaanka maareynta isku socodka gaadiidka ee Nairobi si shacabka adeegsanaya waddooyinka waaweyn loogu fududeeyo in ay guriyahooda tagaan ka hor 8-da fiidnimo.
Isku duwaha ammaanka ee Nairobi James Kianda ayaa sheegay in hadii dadweynaha iyo laamaha ammaanka ay iska kaashadaan dhaqangelinta amarrada iyo talooyinka caafimaad ee ka dhan ah cudurka COVID-19 hoos loo dhigi karo tirada xaaladaha maalinlaha ah si dib loogu furo isku socodka gudaha wadanka.
Mr. Kianda ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xiriirto kaasoo lagu sheegay inuu ciidamada ammaanka ku amray in ay gacanta ku dhigaan qof kasta oo isaga oo lugeynaya ama gaadiid saaran la arko wixii ka dambeeyay 8-da fiidnimo.
26-kii bishii saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu sheegay in 5 ka mid ah ismaamullada dalka sida Nairobi, Kajiado, Nakuru, Kiambu iyo Machakos uu bandowga habeenkii ka jiro guud ahaan dalka uu ka billaabanaya 8-da fiidnimo oo ah labo saacadood ka hor xilliga uu ka billowdo dowlad deegaannada kale.