Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ay sare u kacday tirada carruurta ee ku sii qulqulaya xadka ay wadagaan wadamada dariska ah ee Mexico iyo Maraykanka.
Tiradan ayay hay’addu sheegtay in ay korortay 9 jeer tan iyo billowgii sanadkan.
UNICEF oo ka hadlaysa arrimaha soo galootiga ayaa intaa ku dartay in ay jiraan carruur lagu hayo meelo hooy ah oo dadka ku jiro ay buux-dhaafiyeen kuwaasoo ku yaalla meel u dhow soodhinta labada dal.
Hay’adda ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay in tirada carruurtan oo ahayd 380 ay gaartay 3,500.
Kala bar carruurtan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeedo wadamada Honduras, Guatemala, El Salvador iyo Mexico waxayna safrayaan iyaga oo aynan waalidiintoodu la socon.
Dadka ku jiro meelaha lagu hayo soo galootiga dalka Mexico ayaa ah boqolkiiba 30 sida laga soo xigtay hay’adda UNICEF.