DHAGEYSO:Shir ku saabsan biyaha oo ka socda magaalada Garissa

0
166

Waxaa ismaamulka Garissa ka socdo shir looga hadlaya arrimaha biyaha.
Shirka ayaa waxaa ka qayb galaya dhinacyada daneeya arrimaha biyaha, iyaga oo ka arrinsanaya sidii loo hirgelin lahaa qorshayaasha mashaariicda biyaha oo ay ka faa’ideysanayaan in ka badan 1.5 milyan oo qof oo ku nool ismaamullada oomanaha ee Waqooyiga dalka.
Kulanka ay ka qayb galayaan daneeyayaasha biyaha ayaa yimid ka dib kulamo wadatashi ah oo ay yeesheen madaxda ismaamulladan iyo maamulka qaabilsan kheyraadka biyaha ee WRA, kaas oo lagu saxiixay heshiis iskaashi ah.
Mid ka mid ah dhinacyada ka qayb galaya shirkan ayaa warbaahinta faahfaahin ka siisay qodobbada looga hadlaya.