Dowladda dhexe ayaa sheegtay in tallaabo sharciyeed ay ka qaadi doonto qaar ka mid ah waalidiinta iyo dadka deegaanka oo weerarray dugsi ku yaalla dowlad deegaanka Kakamega.
Arrintan ayaa timid ka dib markii walidiin careysan ay xoog ku galeen dugsi sare oo ku yaalla ismaamulka Kakamega, islamarkaana ay bannaanka u saareen maamulaha dugsigaasi.
Waliidinta ayaa walaac ka muujiyay natiijada liidata uu dugsigaasi ka keenay imtixaanaadka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ee sanadkii hore.
Waxaa ay maamulaha xaruntaasi ku eedeeyeen waxqabad llita.
Hasa ahaate, bayaan uu soo saaray wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Ezekiel Machogu, ayuu ku sheegay in macallimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada aan lagu eedeyn karin natiijada liidata ay ardayda qaar la yimaadeen.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in wasaaradda waxbarashada iyo guddiga adeegga macallimiinta ee (TSC), ay dejiyeen hannaan adag oo faahfaahsan oo lagu qiimeeyo waxqabadka macallimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada.
Waxaa kula taliyay cid kasta oo cabasho ka qabto natiijooyinkii ka soo baxday imtixaannada qaran ee KCPE iyo KCSE-da ay cabashadooda ku wargeliyaan hay’adaha ay khusayso.