Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi Xuseen Maxamad ayaa kenyaanka ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan maadaama uu madaxweynaha dalka William Ruto uu ku dadaalaya inuu xasilliyo dhaqaalaha wadanka.
Xuseen Maxamad ayaa sheegay in tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha dalka ay caqabadaha dhanka dhaqaalaha jireen.
Waxaa uu kenyaanka u xaqiijiyay in dhaqaalaha dalka uu si dhaqsi ah u hagaagi doono mustaqbkalka dhow.
Afhayeenka madaxtooyada ayaa ku adkaystay in tillaabooyinka uu dejiyay maamulka Kenya Kwanza ay lagama maarmaan u yihiin in dhaqaalaha wadanka kor loo qaado.
Xuseen Maxamad ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxweyne William Ruto uu talada dalka la wareegay xilli dhaqaalaha wadanka uu aad u hooseeyay.
Waxaa uu xusay in madaxweynihii saddexaad ee dalka Mwai Kibaki ay wakhti ku qaadatay inuu wanaajiyo xaaladda dhaqaale balse uu ugu dambeyn ku guulaystay islamarkaana maamulka haatan talada wadanka haya uu rajeynaya in xaaladda ay is beddesho.