Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan qoondeynta miisaaniyadda dowladda ahna xildhibaanka deegaanka Kiharu ,Ndindi Nyoro ayaa sheegay in lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NG-CDF la bixin doono ka hor inta aynan ardayda iska xaadirin dugsiyada.
Waxaa uu Nyoro hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay ku dadaalaysa in aan lala dib dhicin soo saaridda lacagahan maadaama ay jiraan arday badan oo ku tiirsan.
Waxaa uu sheegay in mudnaanta koowaad la siin doono qaybta lacagaha NG-CDF ee loogu tala galay in ardayda looga bixiyo qarashaadka waxbarashada iyadoo inta kalena dib laga bixin doono.
Xildhibaanka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu dugsiga hoose dhexe ee Nyakihai ku qaabilay 15 mudanayaal oo halkaasi u tagay inay soo indhaindheeyaan mashaariicda kala duwan ee ka socdo deegaanka Kiharu ee lagu maalgelinaya dhaqaalaha CDF-ta.