IPOA oo cambaareysay weerar ciidamada GSU-da loogu gaystay Garissa

0
363

Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska dalka ee (IPOA) ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu si kulul ugu cambaareyay weerar lala eegtay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da oo ka dhacay Banaaney oo ka tirsan ismaamulka Garissa.
Guddoomiyaha IPOA ,Anne Makori ayaa falkaasi ku tilmaantay mid baniaadannimada ka baxsan.
Waxay taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ugu baaqday inuu qaado tallaabo degdeg ah oo looga falcelinaya dhacdadaasi.
Weerarka oo shalay dhacay ayaa waxaa ku dhaawacmay hal sarkaal iyadoo kuwa kale ay ka badbaadeen ka dib markii baabuurkooda ay saameysay miinada dhulka lagu aaso ee IED.
Makori oo weerarka ku tilmaantay mid si wuxushnimo ah loo fuliyay ayaa dhanka kale caafimaad degdeg ah u rajeysay askariga ku dhaawacmay.
IPOA ayaa dhanka kale adeegga qaran ee booliiska ee NPS kula talisay inuu si buuxda u dhaqangeliyo dhammaan talooyinka marar badan lala wadaagay .
Guddoomiyaha maamulka IPOA, Anne Makori ayaa sheegtay in haddii talooyinkan la dhaqangeliyo ay dadweynaha safka hore ka geli doonaan uruurinta xogaha sirdoonka si falal dambiyeedyada looga hor tago inta aynan dhicin.