William Ruto oo ka mid noqday 100-ka qof ee ugu saameynta badnaa Afrika sanadkii hore

0
208

Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa ka mid noqday 100-ka qof ee ugu saameynta badan qaaradda Afrika ee sanadkii 2023-kii.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday majaladda the New African magazine.
Tani ayaa ku soo beegmaysa hal bil un ka dib markii Time Magazine oo laga leeyahay Maraykanka ay hoggaamiyaha dalka u aqoonsatay inuu ka mid yahay 100-ka madaxweyne ee ugu saameynta badan caalamka.
Mas’uuliyiinta kale ayaa kala ah madaxweynaha Nigeria Bola Axmad Tinubu, madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Guinea Mamady Doumbouya, Ganacsadaha u dhashay Nigeria Aliko Dangote iyo xubno kale.
Majaladda ayaa madaxweyne William Ruto ku bogaadisay dadaallada uu ku bixinaya arrimaha saameynta ku leh qaaradda Afrika sida isbeddelka cimillada.