Madaxweyne ku xigeenka dalka oo booqday qoys ay 6 qof shil uga dhinteen

0
232

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa booqasho tacsi ah ugu tagay qoys ay toddobaadkii hore 6 xubnood uga geeriyoodeen shil.
Tani ayaa timid ka dib markii baabuur dadkan siday uu ku dhacay gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda .
Shilka ayaa laga soo tabiyay waddada u dhexeysa Nyeri iyo Nyahururu .
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa shacabka , gaadiidleyda , saraakiisha ammaanka iyo waaxyaha kale ku boorriyay in ay taxaddar muujiyaan oo si buuxda loogu hoggaansamo xeerarka taraafikada si looga baaqsado shilalka.
Waxaa uu qoyska uu booqday u sheegay in isagoo wakiil ka ah madaxweynaha dalka William Ruto uu la qaybsanaya murugada soo foodsaartay.
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa sanadkii hore sheegay in intii u dhexeysay bishii koowaad ilaa bishii tobnaad ee sanadkii 2023-kii ay gudaha wadanka shilal ugu dhinteen 3,609 ruux.
Sanadkii ka sii horreeyay ee 2022-kii, tiradan ayaa ahayd ugu yaraan 4,690 qof.