Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa dhammaan gaadiidleyda ku wargeliyay inay xaqiijiyaan oo ay cusbooneysiiyaan macluumaadkooda barta casriga ee E-Citizen ee lagu bixiyo adeegyada dowladda.
NTSA ayaa bayaan ku sheegtay in tani ay qayb ka tahay hannaanka adeegyada maamulkan gaar ahaan nidaamka isku dhafka ee maareynta macluumaadka ee (TIMS) loogu wareejinaya barta E-Citizen.
Barta TIMS ayaan hadda shaqeynayn waxaana la xiray Jimcihii la soo dhaafay.
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa laga soo xigtay in bartan dib loo furi doono 1-da bisha Jannaayo ee sanadka soo socdo abaare saqda dhexe ee habeenimo.
Laga billaabo Talaadada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 2-da bisha Koowaad ee sanadka 2024-ta waxaa ay gaadiidleyda barta E-Citizen ku geli doonaan magaca iyo nambarka sirta ee ay isku diiwaangeliyeen si ay halkaasi uga helaan adeegyada NTSA.