Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee , Xildhibaan Hore Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed.
Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa golihii 10-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Sheekh Shaacir uu muddo dheer u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu geeridiisa ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa isna diray tacsi tani la mid ah.
Qoraalka ka soo baxay golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaa ku cad in Alle ha u naxariistee xildhibaan sheekh Shaacir uu ka mid ahaa xildhibaanadii Baarlamaankii 8-aad, 9-aad iyo 10-aad ee Soomaaliya.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in mas’uulkan hore uu qaranka Soomaaliyeed u soo adeegay waqtiyo adag, isagoo door wanaagsan ka soo qaatay dhismaha dowladnimada iyo nabadeeynta bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskiisa iyo ummadda Soomaaliyeed na samir iyo iimaan ka siiyo.
Xildhibaanka hore ayaa ku geeriyooday dalka India.