Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya oo maanta booqan doono Galbeedka Pokot

0
175

Waxaa uu qorshuhu yahay in wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu maanta socdaal ku tago ismaamullada Galbeedka Pokot iyo Samburu.
Kindiki ayaa halkaasi ka sameyn doono qiimeyn ku aaddan xaaladda ammaanka.
Dowlad deegaannadan ayaa ka mid ah meelaha ay saameynta ku yeesheen falalka burcadnimo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu Kindiki amar ku bixiyay in la dardargeliyo dib u dhiska dugsiyada ku yaalla ismaamulladaasi ee ku burburay weerarrada burcadda si ay xarumahan diyaar u noqdaan ka hor 8-da bisha Koowaad ee sanadka soo socdo oo la furaya dugsiyada wadanka.
Waxaa dib loo dhisaya 30 dugsi oo ku yaalla Waqooyiga Gobolka Rift Valley .
Shalay ayay ahayd markii uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran shaaciyay in boqolkiiba 70 la fuliyay qorshihii amniga ee ka dhanka ahaa kooxaha burcadda ee dilalka iyo dhaca xoolaha ka gaysta gobolkaasi.