Waxaa markii ugu horreysay muddo 62 sano ah degmada Caadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe laga dhagax dhigay dhismaha isbitaalka guud ee degmadaasi.
Waxaa dhisidda xarunta caafimaad iyo adeegyada laga bixin doono faahfaahin ka bixiyay agaasimaha isbitaalka Laansareeti Maxamad Jacfar Cali .
Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Muxiyadiin Mukhtaar Macallin ayaa ka hadlay qaabka loo maamuli doono isbitaalka halkaasi laga dhisaya.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Hirshabeelle Cabdirixiin Ciise Cadoow ayaa isna bulshada degmada Caadley ku bogaadiyay isku tashiga ay sameeyeen isagoo xusay in maamul goboleedkaasi uu xarunta geyn doono agab iyo shaqaale ku filan.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool degmada Caadley ayaa soo dhaweeyay kana mahadceliyay hirgelinta mashruucan.