Maraykanka iyo Shiinaha oo ku heshiiyay la tacaalidda saameynta cimillada

0
523

Dowladaha Shiinaha iyo Maraykanka ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan in si degdeg ah wax looga qabto saameynta ka dhalato isbeddelka cimillada ku yimaada.
Bayaan ay maanta oo Axad soo saareen ayay arrinkan shaaca kaga qaadeen ka dib wada-hadallo socday labo cisho.
Ergeyga Shiinaha ee arrimaha cimillada Xie Zhenhua iyo dhigiisa Maraykanka John Kerry ayaa kulan ku yeelanayay magaalada Shanghai.
Waxay mas’uuliyiintan sheegeen in dowladahooda ay ka go’an tahay in iyaga oo wadamo kale kaashanaya ay la tacaalaan isbeddelka cimillada.
Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii heshiis lagu saxiixay magaalada Paris ee dalka Faransiiska la isku afgartay in hoos loo dhigo heer kulka sare u sii kacaya.