Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa laga codsaday in uu dib u eegis ku sameeyo saacadda uu billowdo bandowga xilliga habeenkii wadanka ka jiro gaar ahaan 5 ka mid ah ismaamullada dalka oo xayiraad la saaray.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Nairobi, Machakos, Kajiado, Nakuru iyo Kiambu.
Bandowga ayaa ismaamulladan ka billowdo 8-da fiidnimo.
Madaxa horumarinta warbaahinta iyo istaraatiijiyadda ee golaha warbaahinta dalka ee MCK Victor Bwire ayaa sheegay in kenyaanka ay dhibaatooyin kala kulmayaan bandowga sidaas awgeedna loo baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo.
Waxaa uu sheegay in ciidamada booliska ee amarkan dhaqan gelinaya ay adeegsanayaan qaab militari oo kale.
Tani ayaa timid ka dib markii qaylo-dhaan ay ka dhalatay saameyn dhanka gaadiidka oo xalay laga soo tabiyay wadada weyn ee Thika ka dib markii ciidamada ammaanka ay gaadiidley uu waqtigu ka dhacay u diideen in ay wadadaas gudbaan.
Sidoo kale baraha bulshada waxaa ka socdo olole lagu dalbanaya in la isku furo ismaamullada dalka.