Ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa waxaa shalay soo gaaray dalxiisayaal ajnabi ah kuwaas oo u dhashay dalka Ukraine.
Dalxiisayaashan ayay tiradooda gaaraysa 189 oo isugu jiro rag, dumar iyo wakillo ka socday dalkaasi.
Waxaa ay ka soo dageen gagida caalamiga ee diyaaradaha ee Moi ee magaalada Mombasa.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Najiib Balala, danjiraha Ukraine u fadhiya dalka Kenya Pravednyk Andrii iyo wafdi ka socday dowladda ismaamulka Mombasa oo ay hoggaamineysay madaxa dalxiiska dowlad deegaankaasi Caasho Cabdi.
Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Najiib Balala ayaa sheegay in imaatinka dalxiisayaashaan u horumar u yahay waaxda dalxiiska dalka ee uu saameyn ku yeeshay cudurka safmarka ee Covid-19.
Waxaa uu intaa ku daray in Kenya ay sii wadi doonto qaabilaadda dalxiisayaasha wadanka imaanaya in kasto wali cudurka sii faafaya.
Mr. Balala ayaa xusay in dalxiisayaasha u dhashay Ukraine ay dalka si joogto ah u imaanayeen iyadoo sanadkii 2019-kii ay dalka soo gaareen 1,900 oo ka mid ah muwaadiniinta wadankaas.