EACC oo faahfaahisay baaritaano ka dhan ah golaha hoose ee Vihiga

0
179

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa faahfaahin ka bixiyay baaritaano uu wado oo ka dhan ah saraakiisha golaha hoose ee ismaamulka Vihiga.
Tani ayaa timid ka dib markii mas’uuliyiinta ismaamulkaasi oo uu hor kacaya guddoomiyaha golaha hoose ee Vihiga Christopher Omulele ay EACC ku dhaliileen howlgal ay fulisay.
Guddiga ayaa sheegay in howlgalka uu ku saabsanaa fadeexad ah in karaaniga golaha iyo agaasimaha waaxda maaliyadda lagu tuhunsan yahay inay musuqmaasuqeen in ka badan 300 oo milyan oo shilin.
Dhanka kale guddiga EACC ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay maamulka deegaanka Nyandarua Sub-County Joseph Kamau Gathenge.
Waxaa loo haystaa inuu labo qof oo ka mid ah howlwadeennada xarumaha lagu caaweeyo ka dalbaday inay siiyaan laaluush dhan 40,000 oo shilin si uu ugu wareejiyo agab uu gacanta uga dhigay.