Kenyaanka oo lagu boorriyay inay nadaafadda ilaaliyaan

0
163

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Nakhumicha Wafula ayaa dadweynaha ku boorrisay in iyadoo ay qaar ka mid ah u dabbaal degayaan ciidda Christmas inay ku dadaalaan nadaafadda.
Waxay sheegtay in nadaafadda oo mudnaanta koowaad la siiyo ay ka hor tag u noqonaysa cudurrada ka dhasho biyaha iyo cuntooyinka aan nadiifka ahayn.
Bayaan ay wasiiraddu soo saartay ayay ku sheegtay inay lagama maarmaan tahay in gacmaha loo dhaqdo sida habboon ugu yaraan 20 ilbiriqsi iyadoo la isticmaalaya biyo iyo saabuun.
Sidoo kale wasiiradda ayaa ku baaqday in cuntada si fiican loo kariyo oo la daboolo.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay caafimaadka qofka muhiim u tahay inuu qaato cunno nafaqeysan oo isku dheellitiran.
Susan Wafula Nakhumicha ayaa ku celcelisay in cid kasta ay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saarto nadaafadda si bulshada aynan saameyn u soo gaarin.