Shacabka ku nool tuulada Funan Kumbi oo ka tirsan degmada Sololo ee ismaamulka Marsabit ayaa laga fududeeyay culeys ay kala kulmi jireen helidda biyaha.
Tani ayaa timid ka dib markii hay’ad samafal ay halkaasi ka fulisay mashaariicda biyaha.
Mid ka mid ah hooyooyinka tuuladaasi ayaa sheegtay inay horay dhowr kiilomitir u lugeyn jireen inay biyo soo dhaansadaan taasoo caqabad ku ahayd.
Mid ka mid ah guddoomiye xaafadeedyada aagaasi ayaa dhankiisa sheegay in mashaariicda dhanka biyaha ee la hirgeliyay ay xalliyeen iskudhacyo horay u jiray.