Wasiirka cayaaraha oo la siiyay 9 milyan oo magdhow ah

0
192

Wasiirka wasaaradda cayaaraha ee dalka Ababu Namwamba ayaa ku guulaystay dacwad maxkamadeed oo uu ka gudbiyay shirkadda warbaahineed ee Standard.
Dacwadda ayaa ku saabsanayd in shirkadda lagula xisaabtamo sheeko aan xaqiiqada ku saleysnayn oo wasiirka laga qoray .
Namwamba ayaa maxkamadda u sheegay in tani ay dhaawacday sumcadiisa.
Garsooraha maxkamadda sare ee dalka Dorah Chepkwony ayaa amartay in wasiirika la siiyo magdhow lacageed oo dhan 9 milyan oo shilin.
Warbixintan ayaa la daabacay sanadkii 2018-kii.